Kabul iyo Mogadishu 20 sano ka hor Waxaan….. Qormadii Hassan Mutawakil

Kaabuul Iyo Muqdisho

20 sano ka hor waxaan xusustaa 07/10/2001 idaacaddi fiidnimo ee laanta afsomilga ee BBC da, in ay saareen musig gaar u ahaa wararka dagdag ah, kuwaas oo ka baxsan barnaamijka waqtigaas socda oo ay Idaacaddu tabineyso. Wariyihii idiaacadda xiriirinayay ayaa yiri ” waxaa haatan studiyaha ii soo galay madaxa laanta afsomilga ee ee BBC-da Yusuf Garaad” yusuf waxa uu markaas hayay warar la xiriiray duqeyntii ugu horeysay ee uu mareykanku ka bilaabay dalka Afganistan, isaga ka sheekeeyay sida uu xaalku noqon doono dagaalka bilowday ka dib. laakin dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaan dhageystay 20 sano ka dib, in ciidamadii mareykanka ee duulaanka ku qaaday dalka Afganistan ayaa isaga baxay dalkaas dhowr maalmood ka hor.

Dad badan oo isugu jira aqoonyahanno, siyaasiyiin, wariyeyaal Iyo shacab heer caalimi Iyo mid maxalli intaba, ayaa siyaabo kala duwan u cabiray dhacdadan, iyadoo qolo walba ay meel ku dhufatay sida ay la tahay sababaha keenay, in magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi oo ay caasimaddu ku jirto, in ay si fudud ugu gacan gasho Ururka Taalibaan. Iyagoo sidoo kale saadaaliyay, waxa ka dhalan kara dhacdadan mustaqbalka dhaw Iyo midka fog intaba.

Dadka wax taxliiliyay, waxaa ka mid ahaa siyaasiyinta, wariyeyaasha Iyo qeybo badan oo ka tirsan shacabka Somaliyeed, kuwaas oo badankood isbarbardhigay dalalka Afganistan Iyo Somalia Iyo Ururada hubeysan ee labada dal ka dagaalama.

Dadka intiisa badan, waxey cabsi Iyo walal ka muujiyeen suurtagalnimada in waxa ka dhacay Afghanistan ay dhiiragalin u noqdaan Ururka Al-shabab ee ka dagaalama qeybo ka mid ah Somalia Iyo in ay cashir u noqon karto madaxda dalka ee ammaankoodu uu gacanta ugu jiro ciidamo shisheeye. Sidoo kale hadalheyntu waxey u badneyd maadaama mareykanku uu isaga baxay dalka Afganistan isaga oo aan wax la tashi ah la sameyn madaxdii dowladda afganistan, ay taasi suuragal ka dhigi karto in AMISOM na dalka Somalia laga saaro tashi la’aan, taas oo laga yaabo in ay culeys ku noqoto hab dhiska dowladnimada dalka ee lasoo dhoodhoobayay 20kii sano ee lasoo dhaafay.

Haddba, walaaca Iyo cabsida ay dadka qaar muuijeeyn, waxaan qabaa in inbadan aysan sax aheyn, dhowr arrimood darteed:

B) Xukuumaddii Kaapul Iyo midda Muqdisho:

1. Xukuumaddii Kaapul ma aysan helin dowlado saxiibo u ah oo ka baxsan xulafadii mareykanka ee ilaalinayay madaxdii dalka Afganistan, halka Xukuumadda Muqdisho ay heshay dalal saaxibo la ah oo aan qeyb ka aheyn ciidanka nabad ilaalinta ee AMISOM, sida dalka Turkiga, Imaaraadka, Qadar Iyo Iran IQM. Kuwaas oo gacan siiyay dowladihii dalka isaga dambeeyay.

2. Xukuumadda Muqdisho waxey heshay ciidan tababaran, walow uusan gaarsiisneyn heerki la rabay, laakin Xukuumaddii kaapul ma jirin ciidan si dhab ah loo tababaray oo dalka difaacaya, ama hanan karay masuuliyadda suggidda aminga dalka, sida uu caddeeyay madaxweynaha Mareykanka oo yiri” in aan wax dhisno uma tagin Afghanistan ee waxaan u tagnay in aan ka hortagno khatarta argagixiso ee dalkeena kaga imaaneysay Afghanistan, taasna waan ku guuleysanay mar hore”

3. Haddi ay baxaan ciidanka AMISOM cabsi lagama qabo inta daban, in ay shabaabku qabsadaan Muqdisho Iyo gobolada kale ee dalka, waayo AMISOM hadda waxey ku xareysantahay oo kaliya goobo cayiman, oo shabaabku ma gaari karo xurumaha AMISOM ay ka daggantahay Xamar, sababta oo ah waxaa ka hortaagan qeybaha kala duwan ee ciidnka dowladda, taas oo muujineysa farqiga u dhaxeya labada dal, waayo xaalka kaapul sida aan kor kusoo sheegnay waa uu ka gedisanyahay, oo dowladdi oo dhami waxey ku tiirsaneyd ciidankii shisheeye ee dalkaas joogay.

4. Cabsida kaliya ee laqabi karo haddi ay ciidamada AMISOM ka baxaan dalka ayaa ah, in qabaa’ilku ay ku loollamaan qabsashada ilaha dhaqaale ee dalka Iyo xarumaha dowladda ee laga yaabo in ay qolo walbaa ay ku fikirto in ay iyada taabsato. Laakin ma muuqato cabsi ah armuu shabaab soo xoogeystaa oo uu Xamar dib u qabsadaa, sidii ka dhacday magaalada Kaapul.

T) Shabaab Iyo Taalibaan:

1. Taaliban Iyo Shabaab ma aha Ururro iisku mid ah, marka laga eego dhanka mabaadii’da Iyo mad-habka diineed ee ay kala heystaan. Ururka Taalibaan waxa uu ka koobanyahay dad reer Afghanistan ah oo rumeysan wadaniyad halgankooduna uu ku saleysanyahay danaha dalka Iyo in ay dalkooda xureystaan dadkooduna ay maamushaan, waloow maamulkoodi hore uu adadeeg wax ku maamuli jiray. Laakin shabaabku taas waa ka duwan yahay.

2. Taaliban ma ogala in dadka ajaanibta ah ay ku dhaxmilmaan maamulkooda, ajaanibtu waa marti oo kaliya oo go’aannada masiiriga ah ee dalka wax gacan ah kuma laha, si ka duwan Ururka Alshabaab. Waxaa xusid mudan in Taalibaan ay iska diiday in AlQacida ay ku milanto Taalibaan, taaso madaxdii AlQacida ku kaliftay in ay noqdaan Ururka ka madax bannaan xukuumaddii Taalibaan laakin magangalyo ka helay maamulkaas.

3. Taaliban waxey rumeysantahay in xalka uu ku jiri karo wada- hadal Iyo wada-xaajood lala galo xitaa reer galbeedka ay colaaddu kala dhaxeyso. Arrinkan waxaa caddeyn u ah wadahadalladii Dowha ee dalka Qadar. Lakin arrinta noocan oo kale ah marnaba suuragal kama aha dhanka Alshabaab.

4. Alshabaab oo aan laheyn awoodda Taalibaan oo kale, si ay u qabsato Somalia oo dhan gaar ahaan Muqdisho.

5. Taalibaan waxey howlgalisay saraakiil badan oo ka tirsanaa qeybaha kala duwan ee ciidanka Afghanistan, waxey sidoo kale ogolaatay in maamulkii kaapul uu sidiisii u sii shaqeeyo, biseylka noocan oo kala ah waxaa ka arradan Ururka Alshabaab.

6. Shabaabku ma heysto fursadahaas aan ku kusoo sheegnay ee ay Taalibanku heystaan dhanwalba, sida dhanka siyaasadda, la dhaqanka bulshada, xukuumaddi Kaapul oo liidatay, ciidankii dalka oo aan si fiican loo dhisin, kalsooni ku abuurista saraakiisha ciidan Iyo maamullada magaalooyinka Iyo arragtida cad ee Taalibaan ee ku aadan dagaalkooda oo ku qotoma xureynta dalkooda iyo maamulkiisa oo kaliya, taasna shabaabku uma cadda bulshaduna uma eysan caddeynin.
Intaas iyo kale oo badan ayaa diidaya in ay xamar ku dhacdo gacanta shabaab sida ay kaapul gacanta ugu gashay Taalibaan.

Hassan Mutawakil