Galmudug oo ka hadashay dagaalkii shalay ka dhacay Mudug.

Waxaa Maanta xaalad daganaansho ah laga dareemayaa deegaanka shabeelow oo dhanka koofur kaga beegan gobolka Mudug, kaas oo shalay dagaal culus ku dhexmaray Ciidamada daraawiishta Galmudug oo garab ka helayo dadka deegaanka iyo Xubno ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo weerarka soo qaaday.

Dagaalkaas oo xoogganaa ayaa waxaa ku geeryootay Taliyaal Ciidan, askr ka tirsan Ciidamada Galmudug iyo qaar ka mid ah dadka deegaanka oo garab siinayay Ciidamada.

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa ka hadashay dagaalkaas, iyadoo sheegtay in saraakiil ka tirsan Galmudug ay dagaalka ku dhinteen, waxaana uu sheegay inay Al-Shabaab degaanka weerarka kusoo qaadeen.

Axmed Shire Falagle Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo la hadlay laanta Af-soomaaliga V.O.A da ayaa sheegay in Ciidamada ay dagaalka khasaaro ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, isla markaana ay weli ku raad joogaan Xubnaha Al-Shabaab ee Ciidamada weerarka kusoo qaaday.