Hogaamiyayaasha Yurub oo ka baqaya qalalaase cusub oo dhanka muhaajiriinta ah.

Hoggaamiyeyaasha dalalka Yurub ayaa walaac ka muujinaya qaxootiga iyo muhaajiriinta ka soo cararaya Aghanistaan ka dib markii ay maamulka dalkaas la wareegeen ururka Taalibaan.

Khudbad uu telefishanka ka jeediyay Isniintii, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron wuxuu ku sheegay in waddammada “Yurub kaligood aysan qaadi karin cawaaqibka xaaladda hadda jirta,” ayuu yiri.

“Midowga Yurub wuxuu la imaan doonaa qorshe looga hortagayo qulqulka muhaajiriinta waaweyn ee ka imaanaya Afghanistan,” ayuu yiri Macron.

Dalka Jarmalka, wasiirka arrimaha gudaha Horst Seehofer ayaa laga soo xigtay inuu sheegay inuu filayo in ilaa shan milyan oo qof ay ka qaxayaan Afghanistan.

Jarmalka ayaa xuduudaheeda u furay boqolaal kun oo qof oo ka cararaya dagaal iyo cadaadis intii lagu jiray qalalaasaha muhaajiriinta ee Yurub ee 2015-kii.

Dareenadaas mid la mid ah waxaa muujiyay wasiirka socdaalka ee Giriigga, oo ah waddan kale oo uu ka jiro dhibaatada ugu badan ee muhaajiriinta.