Guddoomiyaha G/Banaadir oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga iyo Nadaafadda.

Muqdisho:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir guddoomiyay kulan u dhaxeeyay hogaanka Sare iyo Maamulada Degmooyinka kaasi oo looga hadlay dardargelinta bilicda Caasimadda, Nadaafadda, Amniga iyo ka hortagga dhismooyinka sharci darrada ah.

Duqa Muqdisho ayaa inta uu socday shirka kula dardaarmay Maamulada Degmooyinka in shacabka Gobolka ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin, iyadoo la dhowrayo xuquuqdooda iyo Hantidooda.

Sidoo kale shirkaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo laga wada hadlay Wadashaqeynta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Batroolka Dowladda Federaalka Soomaaliya.