War-murtiyeed laga soo saaray shirkii Midowga Musharaxiinta Muqdisho uga socday.

Midowga Musharrixiinta ayaa war-murtiyeed ka soo saaray arrimaha la xiriira doorashooyinka Soomaaliya.

Waxaa war-murtiyeetka lagu sheegay in amniga doorashada ay sugayaan Booliska Federaalka, kan maamul-goboleedka iyo Amisom.

Sidoo kale waxaa war-murtiyeetka lagu tibaaxay in Bulshada Rayid iyo Beesha Caalamku ay korjoogto ka noqdaan habsami u socodka doorashada.