RW Rooble iyo wefdi uu hoggaaminaayo oo si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Masar+Sawirro

Qaahira:-Ra’iisul Wasaarha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar halkaas oo si diirran ugu soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Masar Moustafa Madbouly iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dalkaas.

Raiisul Wasaare Rooble ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Masar, waxaana uu halkaasi ka bilaabi doonaa wadahadalo uu la yeelanayo Madaxda dalka Masar.