Ciidamada ilaalada wadooyinka oo howgal saaka kawada Muqdisho.

Ciidamada ilaalada wadooyinka ee (taraafikada) ayaa waxaa wadooyinka Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka bilaabeen howlgallo lagu qadayo baabuurta sida qaldan laamiga loo dhigay.

Howlgalka oo ay horkacayaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Nabadgelyada wadooyinka ee taraafikada ayaa waxaa lagu qaaday dhowr Gaadiid oo wadooyinka dhinacooda la dhigay, kuwaas oo oo aan u hoggaansamin amarkii kasoo baxay duqa Muqdisho.

Digniino dhowr jeer lasoo saaray ayaa looga digay wadayaasha gawaarida in ay baabuurta dhigaan hareeraha wadooyinka, kuwaas oo culeyska ku noqda dadka iyo gaadiidka isticmaala wadooyinka.