Al-Shabaab iyo Taalibaan: 3-Arrimood oo ay ka siman yihiin iyo 3 ay ku kala duwan yihiin.

Al-Shabaab iyo Taalibaan waxay labaduba ka tirsan yihiin ururka Al-Qaacidda ee ka howlgala meelo ka mid ah caalamka. Balse waxaa jira arrimo ay ka siman yihiin labada kooxood iyo kuwo ay gabi ahanaba ku kala duwan yihiin.

Taalibaan oo micnaheedu yahay “arday”, oo asal ahaan ka timid luuqadda Pashto, waxay soo if baxeen 1990-meeyadii, xilligaas oo ay ka soo billowdeen waqooyiga dalka Pakistan, kaddib markii ay ciidamadii midowga Soviet ka baxeen dalka Afghanistan.

Waxaa la aaminsan yahay in dhaqdhaqaaqaas u badan Pashto-ga, uu markii ugu horreysay u abuurmay qaab diimeed – oo inta badan ay lacag ku bixineysay boqortooyada Sacuudga oo ku dadaaleysay fidinta fikradda Muslimiinta Sunniyiinta ah.

Dhanka kale, Al-Shabaab waxay markii ugu horreysay abuurmeen 2006-dii ka dib markii laga adkaaday xoogaggii maxkamadaha Islaamiga ee muddada kooban awoodda ballaaran ku yeeshay ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Magaca Al-Shabab oo micnhiisa luuqadda carabiga uu yahay “dhallinyaro”, waxaa la aaminsan yahay inay la baxeen garab ka tirsanaa maxkamadaha Islaamiga ee Soomaaliya ka abuurmay oo markii horena ahaa garabkii ciidamada.

Tan iyo xilligaas waxay al-shabaab dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya ee taageerada ka heysata beesha caalamka.

Haddaba maxay ka siman yihiin labadan kooxood ee jihaad doonka ah, maxayse ku kala duwan yihiin?

Waxaan ku hor mareynaa saddex arrimood oo ay isku mid ka yihiin labada urur ee kala ah al-Shabaab iyo Taalibaan.

1- Inay ka wada tirsan yihiin Al-Qaacidda

Taalibaan iyo Al-Shabaab waxay wada hoos tagaan shabakadda Al-Qaacidda ee dhaqdhaqaaqyada ka sameysa meelo ka mid ah caalamka.

Madaxda Al-Qaacida, ee uu ugu horreeyay Osama Bin Laden, waxa uu saldhiggooda ahaa Afghanistan ka hor inta uusan Mareykanka weerar ku qaadin.

2001-dii markii uu billowday dagaalka Afghanistan, waxay Taalibaan iyo Al-Qaacida si wadajir ah ula dagaallamayeen ciidamada Mareykanka iyo xulafadiisa.

Sidoo kale Al-Shabaab waxa ay caddeysatay in ay tahay garab ka tirsan Al-Qaacidda, iyagoo Soomaaliya ku soo dhaweeyay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha kooxdaas oo uu ka mid ahaa ninkii loo heystay qaraxyadii safaaradaha Mareykanka ee Nairobi iyo Dar Es Salaam, Fazul Maxamed.

.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Hoggaamiyeyaasha Al-Qaacida ayaa sidoo kale horay u caddeeyay in Taalibaan iyo Al-Shabaab labaduba ay ka tirsan yihiin garabyadooda, waxayna dhowr jeer arrintaas ku muujiyeen farriimo ay soo direen.

Intaas waxaa sii dheeraa in Soomaaliya ay tageen dagaalyahanno ajaanib ah oo ka socday Al-Qaacida, kuwaas oo al-shabaab ku taageerayay dagaalka ay kula jirto dowladda Soomaaliya iyo ciidamada ajaanibta ah ee ku sugan dalka.

2- Xukunka Islaamiga ah

Taalibaan iyo Al-Shabaab waxyaabaha ay ka siman yihiin waxaa ka mid ah in labaduba ay sheegeen in ay ujeeddadooda tahay sidii ay xukun islaami ah ugu soo rogi lahaayeen dalalka ay ka dagaallamayaan.

Ururradan waxay isku mid ka yihiin inay yihiin Muslimiin sunniyiin ah iyo sidoo kale in ay aaminsan yihiin fikirka loo yaqaanno Wahaabiyada ee Sacuudiga.

.

XIGASHADA SAWIRKA,EPA

Madaxda Taalibaan oo hadda la wareegay caasimadda Afghanistan ee Kabul waxay sheegeen in ay xukunka shareecada Islaamka dib ugu soo celin doonaan waddankaas, waana markii ugu horreysay ee ay awoodda si buuxda u qabsadaan muddo 20 sano gudahood ah.

Al-Shabaab qudheeda waxay nidaamkaas ku xukuntaa magaalooyinka ay gacanta ku heyso ee Soomaaliya. Waxayna horey u dalbadeen in dalka oo dhan lagu xukumo shareecada Islaamka.

3- La dagaalanka Ururka la baxay dowladda Islaamka (IS)

Al-Shabaab iyo Taalibaan waxay ka siman yihiin in ay cadow ku yihiin ururka la magac baxay Khilaafada Islaamka, oo kooxo tageero u ah ku leh Afrika, sida Boko Haram.

One picture showed Afghans crowding behind barbed wire near the airfield

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Labada kooxoodba waxay la dagaallameen xoogagga kooxda IS oo awood ku yeeshay dalalka Ciraaq iyo Suuriga, ka hor inta aan la wiiqin.

Kooxda IS waxa ay dhaqdhaqaaqyo ka sameeyeen gudaha Soomaaliya, balse waxa ay meelo badan ku dagaallameen Al-Shabaab.

Dhanka Afghanistan waxay dagaallo xooggan dhex mareen dagaalyahannada Taalibaan iyo kuwa IS oo doonayay inay ku xoogeystaan waddankaas.

Arrimahaas oo dhan waa kuwa ay laba kooxood ka siman yihiin, balse wax kasta isku mid kama ahan, gaar ahaan marka ay timaaddo fikradaha qaarkood.

Waxaan tusaale usoo qaadaneynaa saddex waxyaabood oo ay ku kala duwan Taalibaan iyo al-Shabaab:

1- Wadahadallada nabadda.

Dhanka diblomaasiyadda, isku mid kama ahan al-Shabaab iyo Taalibaan, gaar ahaan sannadihii ugu dambeeyay.

Horay ururka Taalibaan waxaa loogu yaqaannay inuu dagaal ku raadiyo wax walba, balse waayadan waxaa istiraatiijiyaddooda ku soo kordhay diblomaasiyad iyo wadahadal.

Dhowr goor ayay wakiillo ka socda Taalibaan miiska wadahadalka la fariisteen ergooyinka dowladda Afghanistan iyo Mareykanka, iyagoo ka wada xaajoonayay sidii nabad loo gaari lahaa.

Arrintaas waxay billaabatay wixii ka dmabeeyay markii hoggaanka kooxdan uu la wareegay Hibatullah Akhundzada.

Illaa hadda oo ay la wareegeen waddanka Afghanistan, waxa ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in wadaxaajood ay la sameeyaan dalka Turkiga. Pakistan ayaa waddo dadaal ay labada dhinac isugu soo dhaweyneyso.

Xafiis howlaha siyaasadda iyo diblomaasiyadda u qaabilsan ayay Taalibaan ku leedahay magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar.

Marka la eego al-Shabaab, erayga “wadahadal” kuma jiro qorshahooda “inta ay ciidanka ajaaniibka ku sugan yihiin dalka”, sida ay horey u sheegeen madaxdeeda.

Al-Shabaab waxay Soomaaliya ka dagaallamayeen in ka badan 10 sano

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Qoraalka sawirka,

Al-Shabaab waxay dowladda Soomaaliya la dagaallameysay in ka badan 10 sano

Marar badan waxay madaxda al-Shabaab u sheegeen in aysan wax wadahadal ah gali doonin dowladda Soomaaliya.

2 – Qaabka maamulka

Maamulka Taalibaan wuxuu u dhisan yahay qaab cad oo howlaha loo kala leeyahay.

Hoggaamiyaha kooxda waa Hibatullah Akhundzada, oo horay u ahaan jiray madixii hore ee waaxda caddaaladda Taalibaan.

Ku xigeenkiisa dhinaca siyaasadda Mullah Abdul Ghani Baradar.

Ku xigeenka dhinaca militariga na waa wiilka uu dhalay aasaasihii Taalibaan Mullah Cumar, waxaana lagu magacaabaa Mullah Mohamed Yacquub.

Ku xigeenka saddexaad waa Sirajuddin Xaqaani, oo ah madaxa garabka Xaqaani.

Mullah Abdul Hakeem, ayaa haya xilka kormeeridda howlaha caddaaladda ee kooxda.

Waxay kooxda leedahay Guddiyaal isugu jira Militari, Sirdoonka, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo 13 guddi oo kale.

Waxaa la aaminsan yahay in Taalibaan ay taageero ballaaran ka heysto shacabka, taasina ay u suurtagalisay in ay si fudud ku gaaraan meelo badan.

Al-Shabaab inta la ogyahay ma lahan nidaam cad iyo hanaan maamul oo la mid ah midka Taalibaan. Way leeyihiin hoggaan sare, afhayeen iyo madax gobollada u kala qaabilsan, balse weli ma aysan sheegin sida ay awoodda u kala leeyihiin.

Waxaa lagu yaqaannaa oo kaliya in ay leeyihiin Hoggaamiye iyo afhayeen.

.

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Balse magaalooyinka ay gacanta ku hayaan waxaa ka dhisan maamullo fuliya adeegyadooda.

3- Awoodda ciidanka

Marka la fiiriyo awood ahaan, farqi aad u weyn ayaa la aaminsan yahay inuu u dhaxeeyo cududda militari ee Al-Shabaab iyo Taalibaan.

Inkastoo aan tiro sax ah la heynin, dagaallamayaasha kooxda Taalibaan waxay khubarada u kuur gasha ku qiyaasadaan in ka badan 150,000 oo hubeysan.

Tiradaas waxay la eg tahay kala bar ka mid ah ciidamadii militariga Afghanistan ee shaqeynayay xilligii ay dowladda dhisneyd.

Balse labaatankii sano ee la soo dhaafay awoodda kooxdan ayaa wiiqantay waxayna aad uga yar tahay awooddii ay lahaayeen markii ay Afghanistan maamulayeen ee ka hor 2001-dii.

Al-Shabaab awood ahaan way ka hooseysaa Taalibaan.

Waxaa tirada dagaallamayaash Al-shabaab lagu qiyaasaa inta u dhaxeysa 7,000 ilaa 9,000, walow laga yaabo in ay tiradaas isbaddashay dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Xigasho:BBCSomali