Senetor & Senetorad. (Waa Dad la sheegay in la doortay si ey Aayahaaga iyo kuwa Ubadkaaga uga taliyaan).

Waa Dad la sheegay in la doortay si ey Aayahaaga iyo kuwa Ubadkaaga uga taliyaan.
Haddii aadan Caqligaaga Kabaabyeeyneeyn si aad Xaqiiqda isku hilmaansiiso, ilaa Hadda inta la sheegay kuma jiro mid si Sharci ah ama caqli gal ah lagu doortay.
waxaan Ogolaanay in Governor uu magacaabo Xildhibaan Qaran, berrina is Isbatoore uu magacaabo Janaraal.
Horeba khaladkaasi waa u jiray, laakin hadda waa la sii qaawiyay, waxa ey u muuqataa Doorasho Minxiis oo Shacabka wax loo dooranaa lagu Caaynayo in eynan waxba garan, oo ay yihiin duur joog.
Dadku ma wada ahan kuwa aan wax fahmin, ma wada ahan kuwa aan Dalkooda u damqaneyn. Aan sugno Cawaaqib xumida ka soo baxdo. Dhagahaa Noo taagan, ( F.S: 1aad). Xayawaanka ayaa u jeedo oo markhaati ka ah ( F.S: 2 & 3aad). Daanyeerada ayaa la yaaban oo leh: war tanu ma ahan Doorashadii Caalamka aan ku arki jirnay ee Gacan taagaa & Cod Bixinta qarsoon ( F.S: 4 &5). waa ka sii liidataa tii xayawaanka ee kan noogu xooga badan loo codeynayay sida Libaaxa, Adinka kuwa tabar yar ayaad u codeysaan.
Haddii sidaan wax ku sii socdaan, maxaad ka sugee marka Gudoomiye Baarlamaan iyo Madaxweyne Qaran la dooranaa.
FG: Annigu waxaan Go’aansaday in aanan marna ugu yeerin Senetor Qof qaabkaa lagu doortay, xatta haduu yahay Saaxiibkeey ama Walaalkeey, Caqligeeygana ma kabaabyeey karo marna, Naftana Been aan Caqli gal aheyn ma aamin sii karo.
iga Raali ahaada, waa Go’aan iyo aragti Shakhsi ah.
Qore: Yahya Amir