Kulan looga wacyi gelinaayo Covid-19 oo jaaliyada Zwoola Holland u qabatay Soomaalida

Kulan ay iskugu yimaden xubnaha sar sare ee Jaaliyadda Zwoola iyo nawaxigeyda ku dhaqan ayaa waxaa ay ku sheegeen waci gilinta iyo fayadhowrka ku aadan cudurka dilaaga ah ee coved19.

Kulankan wacyi galinta ah ayaa waxaa iska kashaday Jaaliyadda soomaliyeed Zwoola iyo nawaxigeyda ku dhaqan gudoomiyaha Jaaliyadda Zwoola Cabdulqadir Nuune ayaa waxaa uu sheegay in qaadashada talaalka  cirbididood in uu yahay mid qiima weyn u leh caafimaadka iyo fayadhowraka iyo ka hortaga cudurkan uuna yahay mid wax badan laga dareemay cidii qaadatay talaalka coved 19.

Nuune ayaa waxaa uu sheegay in Xukuumada iyo baarlamaanka Netherland ay sheegeen in bisha soo socoto 20 sebtember in dhamaanba la dhameystiray qaadashada talaalka ee balse tahay in la furo isdhaxgalka bulshada sida isku dhowashaha shacabka

Gudoomiyaha Jaaliyadda Cabdulqadir Cali Nuune ayaa waxaa uu sheegay dadka aan qaadan talaalka covid-19 in ay ku dadaalaan qaadashada talaalka ee ka hortaga cudurkan.

Kulankan ayaa waxaa soo dhaweyay shacabka Jaaliyadda Zwoola ku dhaqan waxaa kaloona halkan lugu bayaaniyay in sida ugu dhaqsiyaha badan in ay ku tagaan goobaha talaalka, waxaa kulankaasi si dheer ugu hadlay aqoonyahay Jamac Cismaaciil Jaamac oo ahaa dadka hool wadeenada Jaaliyadda ayaana waxaa uu sheegay in wadamada lagawada qatay talalka coved 19 waxa kamid ah Gudiga Jaaliyada, Abdulahi Qandac, Jama ismai, Omar mahamed, Handi Jama, odayaasha Mahamed Macalow, Abdulahi Isse, Mahamed Ibrahim Jumbur, Taabit, Abdulqadir Mansuur, Macalin Siidow, Nuur Mao, Aweis Shiikh, Arwaax.

Bashiir Jiidaal Baroow
Holland somaliweyn