Koonfur Galbeed oo dhameystirtay xubnaha aqalka sare ku matalaya.

Barlamaanka Maamul goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa doortay saddax xilldhibaan oo ka dhinaa xubnaha aqalka sare Koonfur Galbeed ku matalaya Barlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Tirada guud ee Sanatarada laga rabay dowlad goboleedkaasi oo ahaa 8 xubnood ayaa haatan la dhameystiray, waxaana sidaasi ay Koofur Galbeed ku noqonaysaa maamul goboleedkii labaad ee wada doortay dhammaan xilldhibaanada golaha aqalka ku matali doono.