Dowladda Turkiga oo Gawaarida gashaaman ugu deeqday ciidanka xoogga dalka+Sawirro

Muqdisho:-Dowladda Soomaaliya oo gawaarida gaashaanman ee loogu talagalay ciidanka xoogga dalka kala wareegtay dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga.

Munaasabadda oo loogu qabtay Magaalada Muqdisho waxaana ka qeyb-galay Safiirka dowladda Turkiga iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Gashaanndhiga Xukumadda Federaalka ee uu horkacayay Wasiiru-dowlaha wasaaradda Gaashaandhiga Maxamed Cali Xagaa iyo saraakiil katirsan wasaaradda Gaashandhiga.

Gaadiidkaan oo ah nooca kuwa Gaashaan ayaa waxaa loogu talo galay inay ku howlgalaan Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka ee Gorgor, kuwaas oo dagaal adag kula jira Argagixisada Al-Shabaab.