Madaxweyne Farmaajo oo 14-ka Ogoosto u asteeyay Maalinta la dagaalanka Masuq-maasuqa ee Soomaaliya.

Muqdisho:– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay munaasabad lagu daah-furayey Guddiga Madaxa Bannaan ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa iyo ka mid noqoshada Sharciyada Caalammiga ah ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa ayaa tilmaamay in Guddigani uu gundhig u yahay hufnaanta maamulka iyo maaliyadda ee Dalka.

“Guddigani waa mid dastuuri ah, waxaan sharciga lagu dhisay saxiixay 21 Sabteembar 2019, maantana waxa aynu u taagannahay munaasabaddan aynu ku daah-furayno. waxa ay tallaabadani dhiirrigelinaysaa fursadaha maalgashiyada caalammiga ah ee dalkeenna, kobaca dhaqaalaha, hufnaanta maaliyadda iyo kalsoonida shacabku ay ku qabaan dowladnimada.”

Madaxweynaha oo dul istaagay dadaallada miro-dhalay ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya gelisay la dagaallanka musuq-maasuqa iyo ku tagri-falka hantida dadweynaha, ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay in ay Soomaaliya ka mid noqoto Sharciyada Caalammiga ah ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa, sida: Sharciga Heshiiska Midowga Afrika ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa, Sharciga Heshiiska Jaamacadda Carabta ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa iyo Sharciga Heshiiska Qarammada Midoobey ee  La Dagaallanka Musuq-maasuqa.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka duuleysa qorsheyaasha Qaran ee ku salaysan dhowridda xuquuqda muwaaddiniinta iyo ilaalinta hantida Qaranku waxa ay ku guuleysatay in aynu si rasmi ah uga mid noqonno maanta Sharciyada Caalammiga ah ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo kula dardaarmay Guddiga Madaxa Bannaan ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa in ay waajibaadkooda u gutaan si ay ku dheehan tahay waddaniyad iyo hufnaan, ayaa sidoo kale xeeriyey in 14-ka Ogoosto loo aqoonsado Maalinta Qaran ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa kale oo ka qayb galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee  JFS Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Wasiirro ka tirsan Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidammada Booliiska iyo Asluubta Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Guddiga Madax Bannaan ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa.