Banaanbax lagu cambaareenayo TPLF oo hadda ka socda magaalada Jigjiga.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Caasimadda deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa saaka isugu soo baxay garoonka kubadda cagta ee magaalada jigjiga si taaheero ugu miujiyaan ciidamada kala gedisan ee dagaalka kula jira jabhadda TPLF isla markaana lagu canbaareenayo gulufka Falaagada TPLF ay ku hayso deeganada dariska la ah ee Canfarta iyo Axmaarada.

Madaxda deegaanka oo ka qeyb galaya dibad baxaan lana hadlayay shacabka ayaa ka hadlay hagardaamooyinkii ay TPLF u geysatay shacabka Deegaanka Soomaalida.

Banaabaxyo kan la mid ah ayaa ka dhacayay Toddobaadyadii la soo dhaafay Caadimadda dalka Itoobiya ee Adis Ababa iyo deegaanada kale ee oo ka tirsan dalka.

Mustafe muxumed cumar, Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya oo madashaas ka hadlay ayaa sheegay in TPLF ay ku andacooneyso hadda in ay soo celinayso nidaamkii federalka qoomiga ah ee ay ku guuldarersatay hirgalintiisii 27 kii sano ee ay xukunka heysteen.