Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo isu soo dhiibay ciidamada Dowladda Soomaaliyeed.

Awdheegle:-Asad Shariif Abuukar, oo ka tirsanaa Al-shabab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada hoose.

Ninkan ka tirsanaa Al-shabaab ayaanan la sheegin waxa uu u qaabbilanaa argagixisada.

Soo baxsashada Asad ayaa kusoo beegmaysa xilli uu maalin ka hor sidan oo kale isu soo dhiibay horjooge ka tirsanaa nabad-diidka qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka ee uu fadhigoodu yahay Baydhabo.