Rooble:-“Arrinta Badda waa lama tabtaan,waxaan ka sugeynaa Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ..”.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu horeysay goob fagaare ah uga hadlay khilaafka u dhexeeya isaga iyo Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isagoo sheegay “in uusan jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeysa isaga iyo Madaxweynaha”.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’isul Wasaaraha dalka oo la hadlayay qaar kamid ah ganacsatada iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi ayaa sheegay in ay heshiis yihiin isaga iyo Madaxweyne Farmaajo.

“Doqoni halkii lagu dagaalay ayey ogeed ee meesha lagu heshiiyey ma oga, hadii aan lagu heshiin hoggaaminta dalku qar ayuu ka sii dhacayaa, sidaas darteed heshiis ayaan nahay aniga iyo madaxweynaha, waxa nasaaray waajib ah in dalka aan gaarsiino doorasho u dhacda si xasilooni ku jirto,” ayuu yiri.

Wuxuu hadalkiisa ku daray: “Wax khilaaf ah ma jiro, aniga iyo madaxweynaha warqadaheena waad aragteen, cid aan ataagay ama aan is khilaafsanahay ma jirto”.

Hase ahaatee, Rooble ma uusan soo qaadin wareegtadii kasoo baxdey Farmaajo taasoo ka mamnuuceysay hay’addaha dowladda federaalka ah in aysan wax heshiis ah geli karin xilligan kala guurka ah taasoo xukuumadda xilgaarsiinta ay si adag ganafka ugu dhufatay.

Ra’isul wasaare Rooble ayaa sidoo kale ka hadlay ujeedada booqashada uu u yimid Kenya waxana uu xusay in uusan u imaan inuu saxixio heshiis gaar ahaan arrimaha qaadka waxana uu sheegay in guddi labada dal loo xilsaaray dhammaan arrimaha u dhexeeya labada dal.

“Booqashadeyda Kenya waxay daarrantahay hagaajinta xiriirka labada dal ee dariska ah.Kenya uma imaan in aan wax saxiixo”ayuu yiri Ra’isul Wasaare Rooble.

“Aniga iyo madaxda kale ee Qaranka waxaa naga wada go’an in aan dalka doorasho ka hirgelinno. Waxaa daaha keenay duruufihii la soo maray, balse doorashadii way noo bilaabatay.”

Sidoo kale ra’iisul wasaare Rooble ayaa ku celiyay mar kale arrinta Badda isagoo sheegay in laga sugayo oo kaliya natiijada maxkamada caalamiga ah ee ICJ.

“Arrinta badda waa lama tabtaan waxaanna ka sugeynaa Maxkamadda Caddaaladda Adduunka”ayuu yiri Rooble.