Doorashada kuraasta Aqalka sare oo ka bibaabantay Galmudug.

Moqdisho:-Doorashada lix kursi oo ka mid ah kuraasta aqalka sare ku metelaysa maamul goboleedka Galmudug ayaa goor dhow la filayaa in doorashadoodu ka bilaabanto xarunta maamulka Galmudug ee dhuusamareeb.

Guddoomiyaha Gudidda hirgelinta doorashooyinka heer federal mudane Maxamed Xasan Cirro iyo xubno ka socda Gudidda xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa iyaguna goobta doorashadu ka dhacayso ku sugan.