AMISOM oo baaraysa Kiisaka 7 Qof oo rayid ah oo ciidanka Uganda ku gummaaday gobolka Sh/Hoose.

Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ee AMISOM ayaa sheegay in ay billaabeen baaritaan ku saabsan dhacdadii lagu dilay todoba qof oo rayid ah, taas oo dhacday deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dadka shacabka ah ee toogashadooda lagu eedeeyay AMISOM ayaa u badnaa beeraley, waxaana gudoomiyaha Shalaanbood u sheegay Mustaqbal Media in odoyaasha deegaanka ay kala hadeen ciidanka Uganda sababta ay beegsadeen dadka rayidka ah.

AMISOM ayaa sheegtay in deegaanka Golweyn ay dagaal kula galeen dagaalyahano ka tirsan Al-shababaab oo weerar ku soo qaaday koloyo gaadiidkooda ah.

Natiijada ka soo baxda baaritaankan ayay AMISOM sheegtay inay u soo bandhig doonto.

Image