Galmudug oo soo saartay liiska musharraxiinta doorashada Aqalka Sare.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor ayaasoo saaray liiska musharraxiinta 6 kursi oo kamid ah 8-da uu maamulkaas ku leeyahay baarlamaanka Aqalka Saree e Soomaaliya.

Labada kursi ee dib loo dhigay ayaa kala ah kuwa ay hadda ku fadhiyaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex.

Siyaasiyiinta laga reebay liiska ayaa waxaa kamid ah gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee senate-ka Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari).

Doorashada lixdaas kursi ayaa lagu wadaa inay dhacdo Khamiista berri ah.