Duqa Muqdisho oo Xil ka qaadis & Magacaabis ku sameeyay qaar kamid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka G/ Banaadir.

Wareegto kasoo baxday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa xil ka qaadis lagu sameeyay qaar kamid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka halka uu magacaabay kuwo cusub.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xilalka ka qaaday Guddoomiyaashii Degmooyinka Kaaraan Abshir Maxamed Maxamuud (Abshir Kaaraan) waxaana xilkaas loo sii dhiibay Guddoomiye ku xigeenka Amniga Deeq Xasan Sheekhow.

Guddoomiyihii Degmada Kaaraan Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir oo xilka laga qaaday waxaa booskiisa si KMG ah loogu sii dhiibay Maxamed Axmed Iidow oo ah Guddoomiye ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Degmadaas.

Xil ka qaadista Duqa Muqdisho ayaa salfatay Guddoomiyihii Degmada Waaberi Cabdicasiis Cismaan Jaamac, halka si KMG ah xilkaas loogu sii dhiibay Jamaal Cali Maxamed Guddoomiye ku xigeenka Amniga.

Cabdixakiin Cumar Cabdulle Guddoomiyihii Degmada Hiliwaa ayaa xilka laga qaaday, waxaana lagu bedelay Mire Salaad Dhuxulow sida uu Warbaahinta u sheegay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar.