Cabdiraxmaan Faroole oo kusoo baxay doorashada Aqalka Sare ee Puntland.

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa mar kale loo doortay doorashada Aqalka Sare ee maamulka Puntland.

Cabdiraxmaan Faroole ayaa helay 54 cod, wuxuu ka guuleystay Maxamed Cismaan Colaad.

Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxman Faroole wuxuu ka tirsan yahay baarlamaanka uu muddo xileedkiisa dhammaaday.

ilaa dadka la doortay waxaa kamid ah Maxamed Cali Cismaan majiino iyo Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab inkasta oo doorashada Aqalka Sare ee Puntland ay weli socoto.