Xubnihii hore uga tirsanaa Aqalka Sare ee kasoo muuqday liiska Puntland.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Deni, ayaa shaaciyay murashaxiinta u tartamaya 11-ka xubnood ee uu maamulkaas ku leeyahay Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa kamid ah siyaasiyiin hadda xilal ka haya Puntland, halka laga tagay sagaal kamid ah senatarada ka tirsan baarlamaanka uu muddo xileedkiisa dhammaaday.

Iyadoo laga soo reebay laba keliya ah kuwaas oo kala ah Cabdiraxrmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo Farxaan Cali Xuseen oo horey uga tirsanaa Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.