Vladimir Putin: “Dowladda Ruushka, mas’uuliyad amni ayaa ka saaran ilaalinta Badaha”.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa soo jeediyay in la xooriyo lana dhiso Ciidamo Caalami ah oo ka shaqeeya ilaalinta Nabadgalyada Badaha si ay uga hortagaan Kooxaha Burcadda ah & kuwa weerarada geysta.

Putin ayaa tilmaamay in aanay laga maarmin dhismaha ciidankaan oo mas’uuliyad gaar ah iska saaraya sidii nabadgalyo isaga kala gudbi lahaayeen Maraakiibka isticmaasha Gacanka Beershiya, Badweynta Hindiya iyo Xeebaha Dalal Soomaaliya ay kamid tahay.

Moscow ayaa u ololeyneysa in ay shukaanta u qabo hoggaaminta ciidankaan fasaxa looga raadinayo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyada oo qiilka ugu weyn laga dhigayo wax ka qabashada dhibaatooyinka dhanka Badda ka dhaca.

“Nasiib xumo, khataro badan ayaa ka jira Marinta Badda, sababta ayaa in dagaalka oo dhankaas u weecday, qarniga 21aaad waxaa loo baahan yahay kahortagga falalkaan oo reebaya saameyn dambe oo ay adkaaneyso dabaqabadkeeda” ayuu yiri Madaxweynaha Ruushka.

Waxa uu intaas ku daray in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu u gudbinayo qaraar soo jeedin ah si loo helo kalsooni safarka ganacsiga badda uu u maro Biyaha Caalamiga iyo meelaha dhibaatooyinka kasoo cusboonaadeen.

Mareykanka iyo Ruushka waxaa ka dhaxeeya xifaaltan dhanka Ciidanka & Ganacsiga ah, Moscow waxa ay xulafo la tahay Shiinaha & Iiraan, halka Mareykanka oo gooni socod ah uu garabsanayo Dalalka Carabta.