RW Rooble oo maanta safar ku tagaya Dalka Kenya & Madaxweyne Kenyatta oo uu la kulamayo.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo maanta safar ku tagaya Magaalada Nairobi waxaa lagu wadaa in uu la kulmo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo casumaad usoo dhiibay Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaas Raychelle Omamo.

Wafdi hordhac u ah safarka Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sii tagay Magaalada Nairobi si uu usii agaasimo hab maamuuska soo dhaweyntiisa, waxaana qayb ka ah Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimu oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble & Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta.

In si Buuxda uu dib ugu soo noqdo xiriirka labada Dal.

Ka shaqeynta labada Dan ee Soomaaliya & Kenya.

Ka gudubka madmadowga siyaasadeed.

Afhayeenka Xukuumadda ayaa meesha ka saaray in Rooble & Kenyatta ay kawada hadlayaan Ganacsiga qaadka oo muddo xayiran, Muranka Badda ee kiiskiisa horyaalla Maxkamadda ICJ & Ganacsi gaar ah oo dhexmaraya labada dal.

“Safarka Ra’iisul Wasaaraha waxa ay la xiriirta dib u hagaajinta xiriirka diblumaasi ee Soomaaliya & Kenya, in ay kawada shaqeeyaan sidii ay uwada shaqeyn lahaayeen maadaama horay madmadow siyaasadeed uu soo kala dhexgalay” ayuu yiri Macalimu.

“Dano badan ayaa ka dhaxeeya Labada Dal sida Qaxootiga Soomaalida, Ciidamada Midowga Afrika iyo deris wanaagga waana waxyaabaha ay kawada hadlayaan Ra’iisul Wasaasre Maxamed Xuseen Rooble & Madaxweyne kenyatta” ayuu yiri Afhayeenka XFS.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Raychelle Omamo ayaa 8-dii August 2021 soo gaartay Muqdisho, waxa ay la kulantay Dhiggeeda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq & Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.