Baarlamaanka Puntland oo ku dhawaaqay waqtiga uu dooranayo 11-ka Senatar.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DG Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa magacaabay Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan qabsoomidda Doorashooyinka 11ka Senataro Aqalka Sare ee saami ahaan kusoo aaday Dowlad-Goboleedkaas.

Cabdirashiid waxa uu sheegay in Guddigaan uu la shaqeynayo Guddiga hirgelinta Doorashooyinka heer Dowlad-Goboleed ee Puntlanad (SIET) & kan federaalka (FIET) si ay u dhacdo Doorashada Senatarada Aqalka Sare BFS.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DG Puntland waxa uu sheegay in doorashada Senatarada Aqalka Sare ay dhaceyso Berri oo Arbaco ah 11-ka Agoosto 2021, Xildhibaannada ayuu ku wargeliyay in ay u diyaargaroobaan fadhigaas.

“Musharixiinta Aqalka sare, Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal, Puntland & Xildhibaannada Golaha Wakiilada waxa aan ku wargelinayaa in ay is diyaariyaan si Berri oo Arbaco ah kuna beegan 11/08/2021 ay u dhacdo Doorashada” ayuu yiri Guddoomiye Jibriil.