Go’aano laga soo saaray shir ka dhacay Baydhabo oo looga hadlaayay Amniga Deeganada K/Galbeed.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi ayaa Maanta oo Talado ah oo shir gudoomiyey shir looga hadlayey Amniga Deeganada Koonfur Galbeed.

Shirka oo ka dhacay Xarunta madaxtooyada Koonfur galbeed ee Magalada baydhabo ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiisha Ciidamada Dowladda oo uu kamid yahay taliyaha Ciidanka Asluubta Mahad Cabdiraxmaan iyo saraakiisha Ciidamada, Booliska Millateriga, Nabadsugida Koonfur Galbeed & kuwa AMISOM.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo sugi lahaa amniga guud ahaan degaannada Koonfur Galbeed inta lagu guda jiro howlaha doorashooyinka, isla markaana Ciidamada ay bilaab la dagaalanka Al-Shabaab.

Taliyaah qeybta 60ad ee Ciidamada xoogga dalka Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Ciirow) ayaa sheegay in shirka lagu go’aamiyay in la dardar geliyo howlaha amniga degaannada Koonfur Galbeed.

Waxaa uu sidoo kale hadalkiisa uu intaasi ku daray in la isku raacay in howlgallo wadajir ah ay Ciidamada ka fuliyaan dhamaan degaannada Koonfur Galbeed si looga hortaggo falalka amni daroo oo ay geystaan Al-Shabaab.

Shirkan looga hadlayay amniga ee Maanta  ka qabsoomay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan degaannada maamulkaas ay ka bilaawden doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare.