Sucuudiga oo shardi ku xiray Ajaaniibta dooneyso inay soo Cumreystaan.


Sacuudi Carabiya ayaa muwaadiniinta ajaaniibta ah u ogolaanayaa inay soo gudan karaan cumrada sannadkan kadib xayiraadaha ka hortagga cudurka Karoona.

Sacuudiga wuxuu ku xiray muslimiinta ka imaaneysa dalalka dibadda ee dooneyso inay booqdaan Maka in marka hore ay qaataan tallaalka ka hortagga Covid-19.

Wakaaladda wararka ee dowladda Sucuudiga ayaa ku warrantay in mas’uuliyiinta ay Isniinta nagu soo aadan bilaabayan inay aqbalayaan codsiyada la xiriira dadka ajaaniibta ee doonayo inay soo cumreystaan kadib muddo sanad iyo bar ah oo ay boqortooyada xirtay xadka si looga hortaggao fiditaanka cudurkan safmarka ah.