RW Rooble “Dacwada muranka Badda go’aankeeda waxaa laga sugayo Maxkamadda ICJ..”.

Iyadoo 48-dii Saacadood ee la soo dhaafay Baraha Bulshada lagu faafinayay in Xukuumadda Ra’iisul Wasaare rooble ay heshiis kala galeyso muranka Badda dowladda Kenya ayaa waxaa hadalkaas beeniyay Xukuumadda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaasriinta Maxamed xuseen Rooble ayaa oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Kenya Raychelle Omamo ayaa waxaa ay ka wada hadleen sare u qaadidda iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in Xukuumadda ay ku adkeynaysi in dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya go’aankeeda laga sugayo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada.