Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Kenya.

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Dibedda ee dalka Kenya Raychelle Omamo oo ay ka wada hadleen sare u qaadidda iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ay wadaan Labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya, kuwaa soo ay ka dhexeeyaan dano badan sida diblomaasiyadda,amniga iyo arrimaha dhaqaalaha.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa mar kale cadeysay in dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya go’aankeeda laga sugayo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada.