Howlgal Ciidamada dowladda & kuwa Koonfur Galbeed s wadajir ah u sameeyeen.

Ciidamada Millateriga Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka koonfur galbeed ayaa howlgal wadajir ah waxaa ay saacadihii la soo dhaafay kas ameeyeen degaano hoostaga degmada Diinsoor ee Gobolka Bay.

Howlgalka oo uu horkacayay Guddoomiyaha degmada Diinsoor ee Gobolka Baay Cabdisalaan Xaaji Siidow ayaa Ciidamada waxaa ay ku tageen tuulooyin u dhow degmada Diinsoor, halkaas oo mararka qaar ay weeraro kasoo qaadaan Al-Shabaab.

Gudoomiyaha degmada Diinsoor ee Gobolka Baay Cabdisalaan Xaaji Siidow ayaa ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa mid degaannadaas looga saaarayay Al-Shabaab, isla markaana ay la wareegeen degaano dhowr ah.

“Wwaxaan sameynay howlgallo lagu safeynayo kooxaha nabad-diidka ah oo dagaal furan kula jira dowlada Soomaaliya,Howlgalkaan ayaa ahaa mid aad muhiim u ahaa kaasoo aan ku tagnay tuulooyin hoos yimaada degmada Diinsoor waxaana cagta lasoo mariyey fariisimayaal badan oo shabaabku lahaayeen ayuu iri” Gudoomiyaha.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgallada ay noqon doonaan kuwa sii socda ilaa iyo inta Al-Shabaab laga saarayo ururka Al-Shabaab oo mararka qaar weerar kusoo qaada Saldhigyada Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed.