Militeriga Israa’iil oo duqeeyay saldhigyo ay ku lahaayeen ururka Xamaas marinka Qaza.

Militeriga Israa’iil wuxuu sheegay in xaley ay duqeeyeen saldhigyo ay ururka Xamaas ku lahaayeen marinka Qaza kadib markii buufin gubaneysa ay ku weerareen Israa’iil. Militeriga waxay sheegeen inay beegsadeen goob ay gantaallada kasoo tuurayeen ururka Xamaas.

Saraakiisha Israa’iil waxay sheegeen in buufinta holceysa ay horseeday in afar goobood uu dab ka kaco kuwaas oo ku yaalla gobolka Eshkol oo u dhaw Qaza, ilaa hadda lama soo tebin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaas.

BBC