Ciidanka DANAB oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano hoos taga J/Hoose.

Howlgalkan oo ahaa mid  qorsheysan oo ay Fuliyeen Ururka 5aad Gutada 16aad Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Ee DANAB ayaa waxaa laga sameeyay Tuulooyinka kala ah Bura,Xawalo Koofi,Fareydhubow,Yaaq dabeel Ilaa iyo Buula Xaaji ee gobolka jubalada hoose.

Saraakiisha DANAB ayaa waxaa ay sheegeen in dhamaan degaannada howlgalka laga sameeyay ay ahaayeen kuwo Al-Shabaab dadka ku dhibaateyn jireen, hayeeshee ay howlgalka uga saareen.

Sidoo kale Saraakiisha waxaa ay sheegeen in howlgallada ay yihiin kuwo weli sii socda ilaa iyo inta degaannada Gobolka Jubbada Hoose ay kaga sugan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab laga saarayo.