Hamabalyo NN=Faallo=

NN waa ku mahadsan yihiin,Clip ey ka sameeyeen Ciidamada Punt Land, ama Fikirkooda ey u soo dhax marsiiyeen Filim qaadaha.
waa dhibaato heeysato Asgari kasta ee Somaliyed oo dhaqaala xumo uu u burburay Gurigiisii.taa oo haddaba soo gaartay shaqaalihii shibilka.
Xadiith kii Rasuulkeena ayaa Macnihiisu ahaa Qofka aad xil u dhiibaneysaan, Hadduu Doob yahay u guuriya, ama Jaariyad u yeelo, si Baahidiisa shaqadu eyna ugu kalifin in uu damco xoolaha ummadda si uu ugu guursado ama uu baahidiisa ugu daboolo.
Haddii shaqda ummadda aad u heeyso eyna baahidaada dabooli karin oo ey kugu kalifee in aad xoolaha ummadda dhacdo isaga tag, Risqiga Alle waa badan yahay. Xaaraan Gurigaaga ka ilaali.
Asgari somalida, Shaqada uu hadda qabto waa:
1. in uu Shacabka ka difaaco Tuugada Habeenkii u soo dhacdo iyo kuwa Moble lada ka dhaco, Hadeey ku xumaatana isaga laftuusu uu Dadka dhibaateeyo
2. iyo in Tuugada Xafiisyada ee Maalinta Cad Dadka xoolihiisa dhecee uu ka difaaco Shacabkii ey wax ka dheceen ee Dulmanaa. Tuuga liito habeenkii Dadka ka qabo, Tuuga weyna Maalintii ka difaac shacbkii uu soo dhacay xoolahooda in ey ka ceshadaan. ileeyn Ma jiro hadda Xuud Dalku leeyahay oo laga ilaaliyo Cadaw dibadda ah.
Puntland inta Badan Mushaar waa bixi jirtay, Markaan Doorashada miyey wax is daba mariyeen?. Laakin kuwa Qaranka oo weligood Mushaar la’aan ka cabanayay NN ma arag miyaa?
Waxaa la yiri: Lax ayaa Maalin boodbooday, Birideedii ayaa kor u kacday, Laxda Coowradeedii ayaa muuqatay. Ri ayaa ku qososhay. Laxdii ayaa tiri: Ri yeey Maalin kasta ayaa Cooqradaadu muuqataa, kugumana qoslin, ee ma maanta oo kaliya oo aan Boodbooday miyaad cowradeeyda igu qoslee.( F.S: 1 & 2aad).
Punt land ha dhaafto Boodboodka Doorashada ee Ciidanka Mushaar ha siiso, si eyna qooysasku u kala tagin. NN iyaduna yeeyna ku qoslin Punt land oo markaan Ataxyaadkii ku dhuustay, iyadoo hore NN ey weeysa qaarkiin kadib u dhuustay.
Hala dhowro, Xuquuqda Asagariga Somaliyeed meel kasta oo uu joogo.
FG:( Daawo Likiga Vedio ga Hoose ).
Aragtidaada Xur ayaad u tahay.
Qore: Yahya Amir