Dowlado Carab ah oo ka horyimid in Israa’iil ay Kursi korjoogto ah ku yeelato ururka midowga Afrika.

Toddobo dal oo Carab ah kana tirsan Midowga Afrika ayaa ku wargeliyay guddoomiyaha Midowga Afrika inay kasoo horjeedaan in israa’iil ku yeelato ururka Midowga Afrika kusri korjoogta ah.

Safiirradda u fadhiya Addis ababa dalalka Masar, Aljeeriya, Tuunis, Liibiya, Jabuuti, Mauritania iyo Comoros ayaa gaarsiiyay guddoomiyaha Midowga Afrika Muuse Faki go’aanka ay dowladahooda ka qaateen Isra’il.

Dowladahan ayaa sheegay in codsiga Yuhuudda aan lasoo marsiin nidaamka u yaal ururka Midowga Afrika, waxayna sheegeen inaan la aqbali karin go’aan hal dhinac ah, iyagoo soo

jeediyay in fadhiyada soo socda ee ururuka  looga doodo arrinta ku saabsan kursi siinta Israa’iil.

Safaaradaha dalalka Urdun, Kuweyt, Qatar iyo  Yeman ay ku leeyihiin Itoobiya ayaa iyaguna taageeray go’aanka dalalka diiddan in Israa’iil la siiyo kursi.

Dalalka Koonfur Afrika iyo  Botswana ayaa hore uga horyimid in Israa’iil kursi ku yeelato ururka Midowga Afrika.

Sida qorsheysan, wasiirrada arrimaha dibedda ee dalalka Midowga Afrika ayaa shiri doona bisha October ee soo socota, waxaana laga yaaba in laga doodo qodobo badan oo ay ka mid tahay arrinta Israa’iil.