Madax ka tirsan dowladda & Dowlad Goboleedyada oo kulan yeeshay.

Daahfurka qorshahan oo Wasaaaradda ay kasoo shaqeyneysay in muddo ah ayaa waxaa Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha mudane Xasan Cabdinuur Cabdi ku wehlinayay Agaasimaha guud ee Wasaaradda ,Agaasimyaal iyo latilayaal katirsan Wasaaradda Iyadoo dhanka Zoomka ama muuqaal ahaan ay uga qayb galeen Wasiirka Qorsheynta iyo hormarinta Dhaqaalaha mudane Jamaal Maxamed Xasan , Wasaaradaha Dowlad Gboleedyada ee biyaha iyo Tamarta qaar kamdi ah Wasaaradaha xukuumada Federaalka iyo Hay’adaha taageera mashaariicda Biyaha.

Agaasimaha Waxaada Cabirka iyo saadaasha biyaha Axmed Maxamed Xasan oo bilaawga kulanka daahfurka ka hadlay ayaa ka qaybgalayaasha uga warbixiyay marxaladaha iyo wadatashiyada uusoo maray qorshaha hormarinta kheyraadka biyaha oo uu xusay inuu ka jawaabayo wax ka qabashada baahiyaha dhanka biyaha ee heysta bulshada Soomaaliyeed.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha XFS Cabdirisaaq Maxamed Muxumed waxa uu sheegay in dhinacyada oo dhan looga baahan yahay inay Wasaaradda ka tagaeeraan  hirgelinta qorshahan.

Wasiirada biyaha iyo Tamarta Dowlad Goboleedyada iyo mas’uuliyiinta kasocday Wasaaradaha heer federal iyo hay’adaha wada shaqeynta la leh Wasaaradda Tamarta iyo biyaha ayaa taageeray qorshaha hormarinta kheyraadka biyaha iyagoona balanqaaday xoojinta wadashaqeynta Wasaaradda.

mudane Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynta iyo hormarinta Dhaqaalaha XFS ayaa bogaadiyay Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha iyo dhinacyada kale ee kala qaybg qaatay diyaarinta qorshan oo uu sheegay inuu yahay mid Baahi weyn loo qabo.

Ugu dambeyn Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha mudane Xasan Cabdinuur Cabdi ayaa xusay in hada wixii ka dambeeya Dowladda Soomaaliya ay leedahay qorshe cad oo xooga saaraya hormarinta iyo ka jawaabidda baahiyaha dhanka biyaha ah.