Gabadhii ugu horreysay ee kusoo baxday doorashada Aqalka Sare ee Koonfur Galbeed.

Waxaa hadda ka socotaa magaalada Baydhabo doorashada Aqalka Sare halkaas oo ay ku tartamayaan musharraxiin 10 ah.

Samsam Ibraahim Cali ayaa maanta ku guuleysatay doorashada Aqalka Sare ee Koonfur Galbeed, waxay heshay 81-cod.

Samsam ayaa horey uga tirsaneyd Aqalka sare ee barlamaanka federaalka ee Soomaaliya.

Shantan kursi ee loo tartamaya ayaa ka qeyb ka ah 8 kursi ee Koonfur Galbeed ku leedahay Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya.

Shaley ayay aheyd markii madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Laftagareen ayaa shaley soo gudbiyay qaar kamid ah liiska musharraxiinta u tartameysa doorashada Aqalka Sare.