Madaxweyne Qoor Qoor oo loogu baaqay in uu soo gudbiyo liiska musharraxiinta Aqalka Sare.

Guddiga maamulaya doorashada maamulka Galmudug ayaa ka codsaday madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor in uu soo gudbiyo liiska musharraxiinta u tartameysa doorashada Aqalka Sare.

Shaley ayay aheyd markii Koonfur Galbeed ay shaacisay magacyada musharraxiinta doorashada Aqalka Sare.

Jubaland ayaa noqotay maamulkii ugu horreeyay ee qabto doorashada Aqalka Sare iyadoo lasoo doortay afar sanatar inkasta oo howlaha doorashadaas aysan weli dhammaan.