Gargaar la gaarsiiyay qoysas kasoo barakacay dagaalkii Garbo Ciise.

Waxaa gargaar deg deg ah la gaarsiiyay qoysas kasoo barakacay dagaalladii dhawaan Soomaalida iyo Canfarta ku dhexmaray magaalada Garba Ciise halkaas dad badan ay ku dhinteen, sida ay ku warrantay warbaahinta Dowlad Deegaanka.

Dadkan soo barakacay oo hadda ku sugan dugsi hoose oo dhexe oo ku yaalla degmada Ma’ayso ee gobolka Sitti ayaa la gaarsiiyay gurmad isugu jiray raashiin, maacuun, bustayaal iyo alaabo kale.

Mas’uuliyiin ka socotay Dowlad Deegaanka Soomaalida oo gargaarka geeyay goobta ayaa sheegay in dadkan ay gaarayaan 1,100 oo kasoo barakacay dagaallada Soomaalida iyo Canfarta.