Wasiiro ka tirsan Dowladda Dhexe eeSoomaaliya oo ku wajahan Garoowe.

Wafdi heer wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Sabti ah ku wajahan magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland.

Sida wararku sheegayaan wefdigan ayaa ka qayb-galaya xuska sannad-guurada aas-aaska Puntland oo ku beegan 1-da Agoosto.

Sidoo kale, waxa maanta Garoowe imaanaya xildhibaan Maxamuud Nuur oo ka tirsan Baarlamanka Gobolka Minnesota ee waddanka Maraykanka.

Xildhibaanka ayaa isna ka qayb-galaya xuska sannad-guurada as’aaskii Puntland ee 1-da Agoosto, taas ka dhacaysa caasimadda Garoowe.