Suldaankii Islaamka oo Amar siiyay Yurub.=Warbixin Taariikhi ah=

Islaamka oo Mamnuucay Anshax xumida iyo Caweysyada Faransiiska. waxa laga yaabaa in ey kula adkaato in aad aaminto in Madaxdii hore ee Islaamku ey Amar ku bixiyeen in Fisqiga, Ciyaaraha Niikada iyo Anshaxxumida laga Joojiyo Faransa. Amarkaana la fuliyay. Taariikhdaa ma lagaa qariyay?.
Qoraagii Taariikh yahaynka ee Reer galbeedka ee Swezka .Mr. Josef Fon Hamer ayaa yiri: Dadka Faransa waxa ey ahaayeen kuwo, Maalinta cad, Niiko ,Dance iyo Anshax xumo sameeyo. Arintaa waxaa ogaaday Suldaan Suleyman Qaanuuni, oo ahaa Hogaamiyihii Dowladii Islaamka ee Cusmaaniyadda, waxa uuna warqad u qoray Boqorkii Faransa. ( F.S: 1 & 2aad) waxa eyna u qorneed Sidaan.
(Waxaan ogaanay in Dadkiinu ey Waddooyinka iyo Meelaha Bulshadu isagu timaad ey ku Ciyaaraan “Dance” Qaab Anshax Xumo ah. Dalkiinuna waxa uu Xuduud la leeyahay Dalkeena, Waxaan ka baqeynaa in anshax xumidaasi ey u soo gudubto Dalkeena. Haddii Fariinteydani ku soo gaarto Jooji Fisqiga iyo Anshax xumida. Haddii kale Aniga Nafteyda ayaa imaanayo oo gacanteyda ku joojinaa. Markii warqadii ey gaartay Boqorkii Faransiisku waa joojiyay. Muddo 100 Sanno ahna Faransiiska qarsoodi ayey aheyd Ciyaaraha Dance iyo Anshax xumidu ) ( F.S: 3aad)
Sideey ku dhacday ?
waxaa laga yaabaa in aad is tiraa Turkigu Xuduud lama leh Faransa ee sideey ku dhacday?. Boqortooyadii Islaamka ee Cumaaniyada Turkigu waxa ey xakumeeysay Dhamaan wadamada Carabta, Bartamaha Europe, Bershiya, Qeyba ka mid ah Afrika, illa cirifka Hindiya iyo meela Badan.1526 waxaa loo yaqiin Awoodii Caalamka “Global power”. Fiiri warqada uu Boqorka Islaamku u qaray Faransa oo ey ka muuqato qeyb ka mid ah Baaxadda Dhulka uu Islaamku xakumayay.( F.S: 4aad )
kumuu ahaa Sultan Suleyman?.
waa wiilkii Madiga ahaa ee ee Suldaan Salimkii 1aad. waxa uu ku dhashay Tukiga 6.Nov.1494, waxa uuna ku dhintay Hungary 6 Sept.1566. waxa uu xilka qabtay 1520. waxa uu Faransa ka badbaadiyay weerarkii Hungary iyo Gaashaan buurteedii Xooga badaneed markii uu weeraray qabsadayna Hangary. Suldaanku waxa uu Faransa u diray Admiralkii Islaamka ahaa: B.Hayre Diin Pasa, Turkigu waxa uu lagaa Ciidan Badeed oo aad u xoog badan oo leh Madaafiic waaweeyn iyo Admiraalo lagu xasuusto Taariikhda Turkiga, waana kuwii qabsaday Yurub Qarnigii 16aad ( F.S: 5, 6, 7,8, 9,10aad )
Maanta.
Fisqiga iyo Anshax xumidu waa Mid ku fiday Wadamada Islaamka. Somalia Guud ahaan Gaar ahaan Mogadishu, Fisqiga iyo Anshax xumidu waxa ey marayaan heerkii ugu sareeyay. Si loo baabiyo Mujtamaca islaamka.
Baro dhinacya badan oo ka mid ah Taariikha Dhabta ah ee Islaamka, iyo in Islaamku uu xakumi jiray Yurub, markii uu mideeysnaa oo Hal Dowlad uu ahaa intaan la kala qeybin. kana hor tag Anshax xumida.
FG: wixii iga khaldan iga sax wixii ka dhimanna ku dar.
Qore: Yahya Amir