Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay qaraxii maanta lala eegtay Bus ay la socdeen koox ciyaartoy ah.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay qaraxii maanta lala eegtay bus ay la socdeen ciyaartoy ka tirsaneyd kooxda
kooxda JCCI.

Madaxweyne Farmaajo ayaa falkaasi ku tilmaamay mid argagaxiso, isagona u tacsiyeeyay ehelkii iyo shacabka Soomaaliyeed ee dhalinyaradaasi ka baxeen.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhintay saddex ruux, halka ay lix kalena dhaawacmeen, kuwaasi oo dhammaantood ah ciyaartoydii gaariga saarneyd.

Dhanka kale ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxaasi galabta lala beegsaday ciyaartoyda kooxda JCCI, oo xilligaasi ku sii jeeday garoon ay ku ciyaari rabeen.