Khasaaraha ka dhashay Dagaal ka dhacay Gobolka Bay.

Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan una dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed iyo Xubno kamid ah Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Diinsoor ee Gobolka Bay.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaa  ay weerareen Saldhiga Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ku leeyihiin degmada diinsoor ee Gobolka Baay, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan.

Dadka degmada Diinsoor qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana ay ku dhaawacmeen laba qof oo Shacab ah kuna sugan degmada Diinsoor, sidoo kale cabsi ay soo wajahaday intii uu socday dagaalka.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana dagaalkii dhacay ay khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen

Dhowr jeer ayaa degmada Diinsoor ee Gobolka Baay waxaa ku dagaalamay Ciidamada Maamulla Koonfur Galbeed iyo Al-Shabaab, hayeeshee xaalada Maanta ee degmada ayaa degan, iyada oo Isku socodka dadka, Gaadiidka iyo Ganacsiga intaba ay si caadi ah u Shaqeeynayaan.