25.9 C
Mogadishu
Friday, September 17, 2021
Home faallo Vladamir Putin ma wuxuu bixiyay lacagtii lagu iibsaday kooxda Chelsea?

Vladamir Putin ma wuxuu bixiyay lacagtii lagu iibsaday kooxda Chelsea?

Maxkamad fadhigeedu yahay waddanka UK ayaa billowday dhageysiga kiis ku saabsan in milkiilaha kooxda Chelsea, Roman Abramovich, uu madaxweynaha Ruushka, Vladamir Putin ka soo qaatay lacagtii uu ku iibsaday kooxdiisa Chelsea.

Arrintaas waxaa lagu xusay buug sanadkii hore laga qoray howlaha ay ku lug yeelato madaxtooyada Ruushka iyo sida ay u xoojiso saameynteeda.

Qareenka u doodaya Abramovich ayaa meel ka dhac ku tilmaamay sheegashada ku saabsan in ganacsadahan uu “xiriir musuqmaasuq ku saleysan” la leeyahay Putin, uuna “si toos ah uga amar qaatay” markii uu galayay heshiisyo ganacsi oo waaweyn, sida kii uu ku iibsaday kooxda kubadda cagta Chelsea ee ka tirsan horyaalka Ingiriiska.

Isagoo ka hadlayay dhageysiga hordhaca ah ee maanta loogu diyaar garoobayay dacwadda maxkamadda sare ayuu Hugh Tomlinson sheegay in bilyaneerka 54 jirka ah uu arrintan “u arko mid aan sahlanayn” una fahansan yahay inay weerar ku tahay shaqada ay wariyeyaasha u hayaan bulshada.

Roman Abramovich ayaa dacwad ka gudbiyay wariyaha ka tirsan Wakaaladda Wararka ee Reuters, Catherine Belton iyo shirkadda daabacaadda HarperCollins, kuwaasoo uu ku heysto buug ay sameeyeen sanadkii lasoo dhaafay oo ay ugu magac dareen “Dadka Putin: Sida ay KGB dib ula wareegtay Ruushka kaddibna ugu soo jeedsatay Reer Galbeedka”.

.

Buuggaas oo si weyn u gadmay ayaa lagu sheegay in madaxweyne Vladamir Putin uu bixiyay lacago si sharci darro ah loo adeegsaday oo lagu xoojinayay saameynta uu Ruushka ku leeyahay dibadda, taasoo ay ku jirto lacagtii uu Abramovich ku iibsaday kooxda Chelsea sanadkii 2003-dii.

Hase yeeshee, ganacsadaha u dhashay Ruuska ayaa beeniyay sheegashadaas oo uu ku tilmaamay mid sharaftiisa meel looga dhacay.

Qareenka wakiilka ka ah Abramovich ayaa garsooreyaasha maxkamadda u sheegay in “nasiib darro uu buugaas ku celiyay waxa uu ugu yeeray hadallada aan laga fiirsanin ee qeexaya arrimaha ku lugta leh ganacsadaha”.

Mr Tomlinson ayaa sidoo kale ku eedeeyay qoraa Catherine sida ay Abramovich ula xiriirisay siyaasadda Ruushka iyo doorkiisa arrimaha bulshada.

Madaxweynaha Ruushka, Vladamir Putin

Dacwadda Abramovich waxaa xuddun u ah sida loo maareeyay lacagtii uu Chelsea ku iibsaday oo ahayd £150 oo gini.

Tomlinson ayaa sheegay in erayada Belton ay si toos ah uga dhignaayeen in Vladamir Putin uu Roman Abramovich ku amray inuu iibsado Chelsea, tallaabadaasna ay qeyb ka ahayd olole uu Ruushka ku doonayay inuu ku musuqmaasuqo waddamada Reer Galbeedka, islamarkaana uu ugu dhex yeesho saameyn toos ah.

Belton oo Reuters u ah wakiil wareed khaas ah waxaa sidoo kale dacwad ku oogay shirkad tamarta ka shaqeysa oo laga leeyahay Ruushka.

Xigasho:BBCSomali