Taliyaha Ciidammada AFRICOM oo booqday Xerada Kumandooska Danab ee Bali-doogle+Sawirro.

Muqdisho:-Taliyaha Ciidammada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) Gen. Stephen J. Townsend, ayaa Booqasho ku tagey Xerada Ciidanka Kumandooska Danab ee Bali-doogle, Waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey Taliyaha ururka 4-aad ee guutada 16-aad ee Kumandooska Danab XDS Dhamme Maxamed Cabdiqaadir Cali iyo Saraakiil kale.

Dhanka kale Taliyaha ayaa kulamo la yeeshay saraakiisha Ciidamada Kumaandoska ee Danab, isagoo kala hadlay sidii Ciidamadaan si aad ah loo sii tayan lahaa,waxaana la isla gartay in ciiamadaan ay yihiin kuwa Soomaaliya ka saari lahaa Dhibaatada amni xumo ee ku jirto.