Kismaayo oo maanta ka bilaabanaysa Doorashada aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Kismaayo ay ka dhacdo doorashada aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Qaban qaabada doorashada ayaa laga dareemayaa magaalada Kismaayo, iyadoona si weyn loo adkeeyay ammaanka goobta ay ka dhacayso doorashada.

Xubnaha maanta tartamaya ayaa shalay qaatay shahaadada musharaxnimo, waxaa ayna kala yihiin xubnahaasi:-

  • Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.
  • Axmed Maxamed Jaamac
  • Xalimo Jaamac Maxamed
  •  Cabdirisaaq Maxamed Cismaan
  • Ilyaas Badal Gaboose
  •  Maxamed Axmed Sayid
  •  Sharmake Maxamed Cabdi
  • Ibrahim Yacquub Ismaacil
  •  Iftin Xasan Iimaan.
  • Musharixiintan ayaa maanta khudbaddo ka horjeedin doono mudaneyaasha baarlamaanka maamulka Jubbaland.

Tan ayaa ka dhigan in Jubbaland ay noqotay Dawlad Goboleedkii ugu horreeyey ee si rasmi ah u bilaabay hawlaha Doorashada.