khaladka Tira Koobka Qolka dhaxdiisa ah!!!=Faallo=

Hayado Caalamiya ayaa ka codsaday Wasaaradda Qorsheeynta iyo Hayado kale, in ey Sameeyaan Tira Koobka Dadka Somalida iyo Deegaanada ey ku noolyihiin.
Malaayiin Lacag ah ayey ku bixiyeen Hayado Caalamiya, Lacagtaasi waa in ey Baxdaa ka hor xisaab xirka Sannadka, Madaxda Hayadaha Caalamiga ah iyo Wasaaradda Qorsheeynta waxa ey dareemeen in Dana dhaqaale ey Labada dhinac ugu jiraan.
Howshu waxa ey aheyd in Shaqaalaha tira Koobka sameynayo ey tagaan Dhamaan Gobalada, Magaalooyinka waaweyn, Tuulo, Ceel iyo qaar ka mid ah dhulka miyiga, in Guri Guri loo tira koobo Magaalooyinka waaweeyn ee Dalka dhamaan.
Waxaa la ogaaday in aan la tagi karin Deegaanada tira Koobka laga Fulin lahaa.
Qol dhaxdii ayaa Howshii oo dhan lagu qabtay. Xalku waxa uu noqday in Qol dhaxdii lagu go’aamiyo, Maxey kula tahay, iska Buuxi meelaha badnaan, Natiijada tira koobta iska qiyaas, sidaad rabtana u siyaasadeey. kuwaa oo aan iyaguba isku waa faqsaneeyn Natiijada ey soo saareen.
Tusaale: Muqdishu waxa ey aheyd in Dagmada ugu yar, ey ka howl galaan ugu yaraan 1000 tiriye, Guri kasta oo ey tagaan in ey weeydiiyaan Tirada inta Qof ee ku nool, iyo Qabiilkooda sida war Bixinta been abuurkaa ka muuqato, ( F.S: 1aad).
Hadaba ma jiraa Guri Muqdisho ku yaal oo la tira koobay Dadka ku nool iyo qabiiladooda?
Hore ayaa Maaml Gobaleedyo badani ey u diideen Tirakoob hore loo soo saaray sida Tirakoobta. ( F.S: 2, 6aad)
Tusaale : 27 May 2015 Md.Axmed Cali Fataax oo ahaa Wasiirkii Qorsheeynta Punt land ayaa yiri: Waa nalaga been abuuray, tira koobta Wasaaradda Qorsheeynta Qarankuna waa been. tiradeena dhabta ihi waa 4, 284, 633. inkasta oo taa lafteeda uuna raacin wax ticraac ah. ( F.S: 7aad)
Gunaanad:
Tirakoobkaan Cusub oo ah sida Qabiiladu u deganyihiin Magaalada Muqdishu ee Maalmahaan lagu baahiyay Baraha Bulshaduna, waa Mid khalad ah oo la siyaasadeeyay, laguna dhax diyaariyay Qol xiran dhaxdii, iyada oo aan la sameeyn Tira koob sax ha, Dantuna ey aheyd in Beesha Caalamka Lacag looga qaato iyo in Diyaariyuhu uu Dadkiisa deegaan eynan deganeyn uu u deegaameeyo.
FG: Arragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.
Qore: Yahya Amir