K/Afrika oo ka hortimid in Israa’iil kamid noqoto Midowga Afrika xubin kor-joogta ah.

Moqdisho:-Dowladda  Koonfur Afrika ayaa ka soo horjeesatay go’aan loogu ogolaanaayo  Israa’iil inay xubin kor-joogta ah ka noqoto Midowga Afrika.

Bayaan kasoo baxay waasaaradda xiriirka caalamiga iyo iskaashiga ee Koonfur Afrika, ayaa lagu sheegay in go’aankaas yahay mid caddaalad darro.

Bayaanka ayaa intaas ku daray inaan lagala tashan dowladda Koonfur Afrika go’aankaan xaq darradda ah.

Wasaaraada ayaa sheegtay in  go’aankan la qaatay sanad ay shacabka Falastiin la kulmeen duqeyn iyo boob dhuleed oo bilaa sharci ah.

Waxaa xusid mudan in safiiradda  Isaraa’iil u fadhida   Addis Ababa, Aline Adamsu, ay  waraaqaheeda aqoonsiga u gudbisay guddoomiyaha Midowga Afrika 22 bishaan july si ay Israa’iil xubin kor-joogta ah uga noqoto Midowga Afrika..