Maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab oo khasaare xoog badan ka soo gaartay qarax ka dhashay gaari ay wateen.

Beledweyne:-Maleeshiyadda Al-shabaab ayaa galabta ku hoobtay qarax ay doonayeen inay ku waxyeeleeyaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegganka comaad ee gobolka Hiiraan kadib markii uu ku qarxay gaari nuuca raaxada ah oo laga soo buuxiyey waxyaalaha qarxa.

Dadka xoola dhaqatada ah ee deegganada Comaad iyo beer gadiid, ee gobolka Hiiran ayaa sheegay in saddex gaari oo ay la socdeen argagixisaddu uu qarxay mid kamid ah halkaas oo khasaaro xooggan uu ka soo gaaray, waxaana qaraaxisi ku naf waayey toban ka tirsan kooxda Nabad-diidka ah ee Al-shabaab.

Dadka deegganka ayaa intaasi ku daray in qaraxa kadib ay nabad-diidku diideen dhaq dhaqaaqa iyo isku socodka dadka xoola dhaqatada ah, iyadoo goor dhaw iskaga tagay goobtii uu qaraxu ka dhacay. Waxaana ay halkaas ka jiiteen gaari qaraxa waday oo burbursan.

Kooxda argagixisada al-shabaab, ayaa uu socday dhibaateynta iyo daadinta dhiiga dadka shacabka ah ee ku nool deegganadda Comaad iyo beer gadiid ee gobolka Hiiraan.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgallo ka wada deeganada u dhaxeeya Baledweyne iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan, waxaana ciidanka xoogga dalka ay khasaare culus gaarsiiyeen kooxaha argagaxisada ee Al-Shabaab.