Madaxweyne Lafta-gareen oo maanta ka soolaabtay safar uu ku tagay Dalka Turkiga.

Muqdisho:-Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed mudane, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo safar ugu maqnaa dalka Turkiga ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweyne Lafta-gareen oo muddoo kooban ku hakaday garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa usii ambabaxay magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku-meel gaarka ah ee maamul goboleedka koonfur galbeed.