Koox hubeysan oo dad ka soo jeeda Soomaaliland ka af duubatay G.Sool.

Wararka aan ka heleeno Gobolka Sool ayaa sheegaya in Koox hubeysan ay deegaanka Carrooley ka af-duubteen dad rayid ah, kuwaas oo ka soo kala jeeda magaalooyinka Burco iyo Berbera ee Somaliland.

Dadkan rayidka ah ee la af-duubtay ayaa la sheegay in xilligaa ay socdaal kaga yimaadeen beeraha Xalin oo ka tirsan degmada Taleex ee Gobolka Sool.

Sidoo kale wararka waxaa ay tilmaamayaan in dableyda af-duubka gaystay ay la hayb yihiin nin lagu magacaabo Cabdikariin Cali Nuur, kaas oo mudda bil ah ku xiran magaalada Berbera.

Cabdikariin Cali Nuur oo u dhashay Gobolka Sool, ayaa Somaliland xirtay kadib markii uu dhawr jeer warbaahinta dhaliilo ka jeediyay.